Guddiga oo Diiradda Saaraya Baahiyaha Bulshada
OODWEYNE — Munaasibad ballaadhan oo ka dhacday magaalada Oodweyne ayaa lagu shaaciyey Guddiga Horumarinta Gobolka Daadmadheedh, kaas oo loo xilsaaray ka shaqaynta horumarka gobolka, wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah iyo dardargelinta hawlaha la xidhiidha danaha guud ee bulshada.
Guddigan oo ka kooban 16 xubnood ayaa loo dhisay sidii uu uga qaybqaadan lahaa horumarinta gobolka iyo wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadka deegaanka.
Munaasibadda lagu shaacinayey guddiga ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda, aqoonyahanno, maamulka gobolka, maamulka degmada Oodweyne iyo marti-sharaf kale.
Guddiga oo Diiradda Saaraya Baahiyaha Bulshada
Guddiga Horumarinta Gobolka Daadmadheedh ayaa la filayaa inuu ka shaqeeyo dardargelinta hawlaha horumarineed, wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah iyo isku-dubbaridka dadaallada lagu horumarinayo danaha guud ee bulshada gobolka.
Dhismaha guddigan ayaa loo arkay tallaabo wax lagaga qabanayo baahiyaha horumarineed ee gobolka, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo isku-duwid dhex marta bulshada, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddigan oo ka kooban 16 xubnood ayaa la sheegay inuu ahaa mid baahi weyn loo qabay, iyadoo laga filayo inuu door ka qaato horumarinta gobolka Daadmadheedh iyo dardargelinta hawlaha bulshada anfaca.