Trump oo Sheegay in Ay Yar Tahay Suurtagalnimada Dib-u-bilaabista Dagaalka Iiraan Haddii Heshiis Laga Gaadho

Monday November 09, 2026 - 09:22:20
hadhwanaagnews
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu dib u bilaabi karo,,,,



Washington (Hadhwanaagnews) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay aad u yar tahay suurtagalnimada inuu amro dib-u-bilaabista dagaalka Iiraan, haddii wada-hadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay horumar sameeyaan, isla markaana dib loo furo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

 

Trump ayaa hadalkan dhowr jeer ku celceliyey intii uu socday wareysi uu siiyey telefishinka CNN, isaga oo sheegay in go’aanka kama dambaysta ahi ku xidhan yahay in Iiraan aqbasho oo saxeexdo heshiis adag iyo in kale.

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu dib u bilaabi karo weerarrada milatari haddii loo baahdo, balse waxa uu ku dooday in ciidamada Maraykanku ay hore Iiraan u gaadhsiiyeen duqeymo culus.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada milatari haddii amar la siiyo.

 

Trump ayaa intaas ku daray in saddex markab oo xambaara diyaaradaha dagaalka ay hadda ku sugan yihiin gobolka, halka markab afraad uu dhowaan halkaas gaadhay.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu aqoonsaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iiraan oo la beegsan karo haddii dagaalku dib u qarxo.

 

Kaabayaasha uu Trump xusay waxaa ka mid ah xarumaha korontada iyo buundooyinka, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin goobaha Maraykanku bartilmaameedsan karo haddii xaaladdu mar kale isu beddesho dagaal.

 

Hadalka Trump ayaa muujinaya in diblomaasiyadda iyo cadaadiska milatari ay weli yihiin labada waddo ee uu Maraykanku adeegsanayo, iyadoo mustaqbalka colaadda uu ku xidhan yahay natiijada wada-hadallada iyo heshiiska laga gaadhi karo barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo furitaanka marin-biyoodka Hormuz.

     
Loading...