Wasiirka oo Ardayda Kula Dardaarmay Hal-abuurka
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa ardayda ka qalin-jabinaysa jaamacadaha dalka ugu baaqay inay ka fogaadaan kharashaadka dheeraadka ah ee la xidhiidha munaasibadaha qalin-jabinta, kuwaas oo uu sheegay in waalidiinta qaarkood aanay awoodin.
Wasiirka oo la hadlayey arday ka qalin-jabinaysay Jaamacadda Togdheer ayaa xusay in maalinta qalin-jabintu tahay maalin farxad leh oo mudan in lala qaybsado ardayda, balse aanay habboonayn in munaasibadaha lagu daro kharashaad culays dhaqaale ku noqda qoysaska iyo waalidiinta.
"Waa in laga fogaado waxyaabaha dheeraadka ah ee aanay waalidku awoodin wakhtiga qalin-jabinta,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf.
Wasiirka oo Ardayda Kula Dardaarmay Hal-abuurka
Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ardayda kula dardaarmay inay ku dedaalaan hal-abuurka iyo kobcinta xirfadahooda, si ay uga faa’iidaystaan aqoonta ay jaamacadaha ka barteen.
Waxa uu sidoo kale ardayda ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan fursadaha horumarineed ee laga hirgelinayo gobolka Togdheer, isaga oo sheegay in gobolka laga fulinayo horumarro kala duwan.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ardayda qalin-jabinaysa ay xoogga saaraan horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda, si ay uga qaybqaataan horumarka gobolka iyo guud ahaan Somaliland.