hadhwanaagnews
Xukuumadda United Arab Emirates ayaa hab-maamuus sare ku qaabishay Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hoggaaminayo oo weli safar shaqo ku jooga dalkaasi.
Waftiga Madaxweynaha ayaa la dejiyey mid ka mid ah guryaha loogu talagalay martida heerka sare ee dalkaas, taas oo muujinaysa heerka qaabilaadda iyo muhiimadda safarka.
Wararkan ayaa imanaya iyadoo la filayo in safarkan uu la xidhiidho xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.