Wasiirka Arrimaha Gudaha: "Amniga Somaliland Waa Mid Sugan oo Xasilloon"

Wednesday March 25, 2026 - 18:21:35
HADHWANAAGNEWS
Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo heeganka ay muujiyeen...


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in ammaanka guud ee dalka uu yahay mid sugan oo xasilloon, isla markaana aanay jirin wax amni-darro ah ama qalalaase ka jira gobollada dalka.


 

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Ciidamada Booliska iyo hay’adaha kale ee amniga ay si heer sare ah u sugeen nabadgelyada, xasilloonida iyo kala dambaynta bulshada, gaar ahaan ka hor iyo intii lagu jiray munaasibadda Ciidul-Fidriga.


 

Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo heeganka ay muujiyeen ciidamada, taas oo suurta gelisay in shacabka Somaliland ay si nabad ah ugu dabaaldegaan maalmaha ciidda.


 

Wasiirka ayaa xusay in ilaalinta amniga iyo xasilloonidu ay tahay laf-dhabarta horumarka dalka, isagoo ku ammaanay shacabka doorkooda ku aaddan la shaqaynta laamaha amniga.

     
Loading...