DEG DEG: Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland Iyo EUCAP Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Wada Shaqaynta

Wednesday April 29, 2026 - 02:51:30
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay

May be an image of one or more people and dais


Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Aadam Axmed Daahir, ayaa maanta xafiiska Komishanka ku qaabilay madaxa cusub ee xafiiska EUCAP Somalia, Artsi Alanne, oo dhawaan la wareegay hoggaanka xafiiska.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqaynta u dhaxaysa Komishanka Maamul Wanaaga iyo EUCAP, gaar ahaan dhinacyada kor u qaadista maamul wanaagga iyo taageerada hay’adaha.


 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii joogtayn lahaa iskaashiga iyo horumarinta wada shaqaynta mustaqbalka, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada shaqada hay’adaha qaranka.

May be an image of one or more people, people studying, newsroom and text

     
Loading...