Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Sheegay In Safarkii Madaxweyne Cirro Uu Noqday Mid Midho-dhal Ah

Thursday June 25, 2026 - 14:34:19
hadhwanaagnews
"Albaabo Badan Ayaa Furmay"



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in safarkii uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay dalka Israa’iil uu noqday mid midho-dhal ah, isla markaana shacabka Somaliland ay si weyn u soo dhaweeyeen natiijooyinka ka soo baxay.


 

Wasiirka ayaa xusay in safarkaasi uu furay fursado cusub oo Somaliland u ahaa kuwo muddo dheer la sugayay, isaga oo sheegay in horumar laga sameeyay dedaallada la xidhiidha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

 

"Albaabo Badan Ayaa Furmay”

 

Cabdalle Maxamed Carab ayaa sheegay in 35 sano kadib ay Somaliland u furmeen albaabo badan oo hore uga xidhnaa, isaga oo tilmaamay in safarka Madaxweynaha uu horseeday guulo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.

 

Waxa uu sheegay in warbaahinta caalamku si weyn u hadashay Somaliland intii uu socday safarka Madaxweynaha.

 

Soo Dhaweynta Shacabka

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa caddeeyey in shacabka tirada badan ee Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Hargeysa aanay ahayn kuwo ay xukuumaddu abaabushay, balse ay ahaayeen dad si iskood ah isugu soo baxay.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Safarkii Madaxweynuhu wuu midho-dhalay, shacabka Somalilandna way u dhag-taagayaan oo qalbi furan ayay u soo dhaweynayaan. 35 sano kadib albaabbo badan ayaa furmay. Dadkii Madaxweynaha maanta soo dhaweeyey ma ahayn kuwo ay xukuumaddu abaabushay, ee iyaga ayaa is abaabulay.”

 

Xukuumadda oo Bogaadisay Soo Dhaweynta

 

Wasiirka ayaa sheegay in soo dhaweynta ballaadhan ee Madaxweynaha loo sameeyey ay muujinayso taageerada shacabka ee dedaallada xukuumadda ku aaddan horumarinta danaha qaranka iyo xoojinta xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland.

     
Loading...