hadhwanaagnews

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle, iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda oo uu hoggaaminayey, ayaa booqasho ku tegay Safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Kenya, xilli ay safar shaqo ku joogaan magaalada Nairobi.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Kenya, Ambassador Sharmaarke Geelle, kaas oo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaaradda.
Kulanka ayaa lagu lafaguray arrimo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyo Safaaradda Somaliland ee Kenya, gaar ahaan dhinacyada isgaadhsiinta, tiknoolajiyadda iyo fududeynta hawlaha shaqo ee labada dhinac.
Booqashadan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee wafdiga Wasaaradda ay ku joogaan dalka Kenya, iyadoo ujeeddadeedu tahay xoojinta xidhiidhka hay’adaha dowladda iyo dardargelinta iskaashiga la xidhiidha horumarinta adeegyada isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda.

