hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay in xukuumaddu markii ay xilka la wareegtay ay mudnaanta koowaad siisay amniga iyo midnimada bulshada, isagoo tilmaamay inay yihiin laba tiir oo waaweyn oo dowladnimadu ku dhisan tahay.
Wasiirka ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan dowladda, isagoo xusay in dowladnimadu u adeegto shacabka, isla markaana loo baahan yahay wadajir iyo taageero lagu xoojinayo amniga iyo midnimada bulshada.
Maxamed Yuusuf Cali ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah, isagoo caddeeyay in aan laga tanaasulayn arrintaas.
"Xukuumaddu markii xilka timi waxay awoodda koowaad saartay amniga iyo midnimada ummadda, waa laba tiir oo waaweyn oo dowladnimadu ku dhisan tahay. Shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay inaad isbarbar taagtaan dowladda, waayo idinka ayaan dowlad laydinku yahay. Maanta ictiraaf ayaan haysannaa, ka hadhi mayno, oo meesha uu inala galo waa la galaynaa.” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali.
Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli xukuumadda Somaliland ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in ay bulshada caalamka ku kasbato taageero ku aaddan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.