Wasiirka Horumarinta Biyaha oo kulan la yeeshay wefti ka socda Baanka Adduunka

Saturday November 21, 2026 - 12:33:12
hadhwanaagnews
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay ka wada hadleen sidii loo ballaadhin lahaa



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiinta Mashruuca Abaartire ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda Baanka Adduunka oo maamula mashruuca.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta waxqabadka Mashruuca Abaartire, heerka ay marayaan hawlaha fulintiisa iyo natiijooyinka laga gaadhay, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka biyaha iyo adkaysiga bulshada ee saamaynta abaaraha.

 

Sidoo kale, masuuliyiintu waxay ka wada hadleen sidii loo ballaadhin lahaa mashruuca, loona kordhin lahaa maalgelinta ceelasha iyo goobaha biyaha, si adeegyo biyo oo waara loo gaadhsiiyo deegaannada sida weyn u wajahaya biyo-yaraanta.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii Mashruuca Abaartire uu door muuqda uga qaadan lahaa daboolidda baahida biyood ee bulshada Somaliland.

     
Loading...