hadhwanaagnews
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Muwaadin Nuura Axmed Toor, oo si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaadanaysa dadaallada lagu horumarinayo deegaanka iyo bilicda magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Muwaadin Nuura Axmed Toor ayaa magaalada Ceerigaabo ka bilowday hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku beertay 100 geed, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo dhirta, lagu cagaarinayo magaalada iyo dhiirrigelinta bulshada ee ka qaybqaadashada ilaalinta deegaanka.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Nuura ku bogaadiyey tallaabada ay qaaday iyo dadaalka ay ugu jirto cagaarinta magaalada Ceerigaabo. Waxa uu sheegay in ka qaybqaadashada muwaadiniintu ay door muhiim ah ka qaadan karto ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta isbeddelka cimilada.
Wasiir Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey Muwaadin Nuura Axmed Toor inay sii waddo dadaalkeeda, isagoo tilmaamay in hawlaha noocan ahi ay tusaale wanaagsan u yihiin bulshada, gaar ahaan jiilka da’da yar.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dadaallada noocan ah ay dhiirrigelin karaan muwaadiniin badan inay ka qayb qaataan barnaamijyada ilaalinta deegaanka, beerista dhirta iyo cagaarinta magaalooyinka.