Safiirka Somaliland ee Maraykanka Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Garab Istaagaan Dadaallada Aqoonsi-raadinta

Sunday September 20, 2026 - 19:40:58
hadhwanaagnews
Bashiir Cumar Good ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo weftigiisu a



Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka, Danjire Bashiir Cumar Good, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu intii ay ku sugnaayeen Maraykanka ay wadeen dadaallo xooggan oo la xidhiidha sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Safiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan madaxda dalka, isagoo sheegay in xilligan aanay habboonayn in hoggaanka lagu mashquuliyo arrimo kale, maadaama uu ku hawlan yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

Bashiir Cumar Good ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay dadaal badan ku jireen intii ay Maraykanka joogeen, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo mashquulin kara madaxda xilli ay ku hawlan yihiin arrimaha aqoonsiga.

"Madaxweynaha iyo weftigiisu intay Maraykanka joogeen dadaal ayay ku jireen, inay ku mashquulsan yihiin ictiraaf waddankeenu helo...” ayuu yidhi Safiir Bashiir Cumar Good, isagoo bulshada ugu baaqay inay taageeraan dadaallada madaxda.

Dhanka kale, Safiirka ayaa sheegay in 23-ka Sebtembar, oo ku beegan maalinta Arbacada, magaalada New York lagu qaban doono isu-soo-bax lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland, kaas oo ay qabanayaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool Maraykanka.

Waxa uu sheegay in isu-soo-baxu ka dhici doono waddada hor marta xarunta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo la filayo inay ka qayb galaan kumannaan qof oo taageersan qaddiyadda Somaliland.

Safiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Cirro uu halkaasi khudbad ka jeedin doono, isagoo tilmaamay in isu-soo-baxan uu noqon karo mid weyn oo lagu muujinayo taageerada aqoonsiga Somaliland.

"Bishan 23-keeda maalinta Arbacada waxa layskugu imanayaa bannaanbax lagu taageerayo aqoonsiga JSL... Waxaan filaynaa inaan dhawr kun iskugu nimaadno. Madaxweynaha ayaa halkaas ka khudbadaynaya,” ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Maraykanka, Bashiir Cumar Good.

     
Loading...