Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Oo Tababar Ka Qabatay Hagaha Sumadda Iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta Xukuumadda SAWIRO

Monday October 12, 2026 - 13:44:11
hadhwanaagnews
Tababarka waxa bixiyey Agaasimaha Waaxda Sharciga ee Wasaaradda, Garyaqaan Shafici Cabdi Xaibe....

May be an image of newsroom and text


Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tababar ku saabsan Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta Xukuumadda u qabatay shaqaalaha iyo waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa xusuusiyey muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo fahmo loona dhaqangeliyo awaamiirta iyo habraacyada ku xusan wareegtada Madaxweynaha. Waxa uu adkeeyey in dhammaan waaxyaha Wasaaraddu ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan nidaamka rasmiga ah ee Xukuumadda.

Tababarka waxa bixiyey Agaasimaha Waaxda Sharciga ee Wasaaradda, Garyaqaan Shafici Cabdi Xaibe, kaas oo faahfaahin ka bixiyey Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta Xukuumadda, habraacyada loo raacayo isticmaalka sumadda rasmiga ah, baahinta wararka iyo xidhiidhka rasmiga ah ee hay’adaha dawladda.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xaqiijinayo in hawlaha warbaahinta, xidhiidhka dadweynaha iyo isgaadhsiinta rasmiga ahi u dhacaan si waafaqsan wareegtada Madaxweynaha ee ku socota dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha Xukuumadda Somaliland.

Wareegtadani waxay ku saabsan tahay dhaqangelinta Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta Xukuumadda, iyadoo tababarku ujeeddadiisu tahay in shaqaalaha Wasaaraddu fahmaan habraacyada rasmiga ah, isla markaana ay si waafaqsan ugu dabaqaan hawl-maalmeedkooda.

May be an image of studying and text
May be an image of television and text
May be an image of one or more people, wrist watch and suit
May be an image of one or more people, people studying, newsroom and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and headscarf
May be an image of one or more people, beard, people studying and newsroom
May be an image of one or more people, beard, people studying, suit, wrist watch and newsroom
May be an image of one or more people, beard, people studying, people smiling, eyeglasses and newsroom
May be an image of one or more people, people smiling, lighting and newsroom
May be an image of one or more people and beard
May be an image of one or more people, beard and people studying
May be an image of one or more people and eyewear
     
Loading...