hadhwanaagnews
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Cabdi, ayaa saaka si rasmi ah magaalada Hargeysa uga furay Shirweynaha Caymiska Somaliland, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caymiska Qaranka.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda uu caymisku u leeyahay dalka iyo bulshada, iyo doorka uu ku leeyahay ilaalinta hantida iyo maaraynta khataraha dhaqaale.
Shirkadaha bixiya adeegyada caymiska ayaa iyaguna shirweynaha ku soo bandhigi doona noocyada adeegyada caymiska ee ay bixiyaan iyo fursadaha ay u hayaan bulshada iyo ganacsatada.
Shirweynahan ayaa fursad u noqonaya in la gorfeeyo horumarinta adeegyada caymiska Somaliland iyo sidii bulshada loogu kordhin lahaa fahamka muhiimadda uu caymisku u leeyahay nolol-maalmeedka iyo hawlaha ganacsiga.