hadhwanaagnews
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland ayaa sheegay in caymisku yahay hannaan muhiim u ah ilaalinta bulshada iyo isu-gurmadka xilliyada ay dhacaan dhibaatooyinka lama filaanka ah.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in caymisku door muhiim ah ka qaato xoojinta isku-tiirsanaanta bulshada iyo sidii si wadajir ah looga gudbi lahaa dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhasha xaaladaha lama filaanka ah.
Waxa uu yidhi: "Caymiska Qaranku wuxuu badbaado u yahay bulshadeenna, waxaanu inoo horseedayaa in aynu isku tiirsanaanno, is taageerno, oo dhibaatooyinka dhaca aynu si wadajir ah u maarayno.”
Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo fahamka bulshada ee adeegyada caymiska iyo kaalinta ay ku leeyihiin ilaalinta dadka marka ay la kulmaan dhibaatooyin lama filaan ah.