Ha ku mashquulin nolosha dadka kale adigoo hilmaamaya dhismaha noloshaada.
Baraha bulshada sida Facebook, TikTok, Snapchat iyo kuwa kale waxay qayb weyn ka noqdeen nolol maalmeedkeenna. Waxaynu ka helnaa warar, aqoon, madadaalo iyo xidhiidh aynu la samayno dadka kale. Hase yeeshee, isticmaalka xad-dhaafka ah ee barahani wuxuu si tartiib ah u dhaawici karaa waqtigaaga, fikirkaaga iyo feejignaantaada, adigoon xitaa dareemin waxa kugu dhacaya.
Mararka qaarkood waxaad telefoonka u qaadataa inaad dhawr daqiiqo wax ka daawato, balse waxaad ku dambaysaa saacado aad ku bixisay daawashada muuqaallo iyo qoraallo aan wax faa’iido ah kuu lahayn. Waqtigaas oo aad ku bixin lahayd waxbarasho, shaqo, cibaado ama horumarinta naftaada ayaa si fudud kuugu dhaafa.
Ha ku mashquulin nolosha dadka kale adigoo hilmaamaya dhismaha noloshaada.
Waxa kale oo muhiim ah in aynu fahanno in baraha bulshadu yihiin aalado aynu adeegsanayno, balse aanay ahayn inay iyagu ina maamulaan. Waa in aynu doorannaa waxa aynu daawanayno, inta wakhti ee aynu ku bixinayno iyo ujeeddada aynu u isticmaalayno.
Ha u oggolaan baraha bulshada inay maamulaan noloshaada. Adigu maamul waqtigaaga, maskaxdaada iyo waxa aad daawanayso. Ka faa’iidayso waxyaabaha aqoontaada kordhinaya, xirfadahaaga horumarinaya, kuna dadaal inaad wakhtigaaga geliso wax mustaqbalkaaga wax ku kordhinaya.
Ugu dambayn, aynu isweydiinno: Ma innagaa baraha bulshada isticmaalna, mise iyagaa waqtigeenna iyo dareenkeenna maamula?
Duco
Allow, adduunyada ha ka dhigin mashquulkeenna ugu weyn, hana ka dhigin meesha aqoonteenna ku ekaato. Waqtigeenna noo barakee, nagu kaalmee xuskaaga, mahadnaqaaga iyo inaan si wanaagsan kuu caabudno.
Aamiin, Yaa Rabbal Caalamiin.