Xanuunka Iyo Dhibaatadu Waxay Sabab U Noqon Karaan In Alle Dembiyada Kaa Dhafo

Thursday October 15, 2026 - 15:40:12
hadhwanaagnews
Ha u malayn in xanuunka ku haya uu ciqaab keliya yahay. Mararka qaarkood...



Qofka Muslimka ah marka uu xanuunsado ama ay dhibaato soo wajahdo, xanuunkaasi wuxuu sabab u noqon karaa in Alle SWT uga dhaafo qaar ka mid ah dembiyadiisa, haddii Alle idmo.

 

Nabigeenna Muxammad ﷺ wuxuu inoo sheegay in dhib kasta oo Muslimka ku dhaca, xataa qodax yar oo mudda, ay sabab u noqon karto in Alle dembiyadiisa kaga dhaafo.

 

Nabigu ﷺ wuxuu yidhi:

 

مَا يُصِيبُ الْمُسْلِمَ مِنْ نَصَبٍ وَلَا وَصَبٍ وَلَا هَمٍّ وَلَا حُزْنٍ وَلَا أَذًى وَلَا غَمٍّ، حَتَّى الشَّوْكَةِ يُشَاكُهَا، إِلَّا كَفَّرَ اللَّهُ بِهَا مِنْ خَطَايَاهُ.

 

Macnaha: "Muslimka ma haleelo daal, xanuun, walbahaar, murugo, dhib ama tiiraanyo, xataa qodax yar oo mudda, illaa uu Alle kaga dhaafo qaar ka mid ah dembiyadiisa.”

 

Ha u malayn in xanuunka ku haya uu ciqaab keliya yahay. Mararka qaarkood, xanuunku wuxuu noqon karaa sabab Alle SWT kuugu dhaafo dembiyadaada, kunaugu kordhiyo darajadaada. Sidaas darteed, samir yeelo, Alle talo saaro, caafimaadna ka rajee, adigoo raadinaya daaweynta ku habboon.

 

Xanuunku ma aha sabab aad u quusato, balse waa waqti aad Alle ugu dhowaato, ducada badsato, rajada wanaagsanna ku sii jirto.

 

Alle SWT ha u naxariisto qof kasta oo xanuunsan, ha u fududeeyo dhibaatada haysata, hana siiyo caafimaad buuxa oo degdeg ah. Alle ha ka dhigo xanuunkooda mid dembi-dhaaf iyo ajar u noqda.

 

Aamiin, yaa Rabbal-caalamiin.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...