hadhwanaagnews

Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Rooda Maxamuud Karaani, oo ka tirsan Golaha Deegaanka London.
Xildhibaan Rooda Maxamuud Karaani ayaa muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogtay Somaliland, halkaas oo ay kulamo kala duwan la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ay Madaxweynaha la yeelatay ayaa qayb ka ah kulamadii ay muddadii ay Somaliland joogtay la yeelanaysay masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo la filayo in laga wada hadlay arrimo la xidhiidha xidhiidhka iyo iskaashiga bulshada Somaliland iyo qurba-joogta.
