Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Soo Dhaweeyey Hirgelinta Nidaamka CCTV-ga iyo Diiwaangelinta Dijitaalka ah ee Ciidanka Booliska

Wednesday November 04, 2026 - 13:48:50
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa hadalkan jeediyey munaasibadda sannad-guuradii 33-,,,,



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hirgelinta nidaamka kamaradaha ammaanka ee CCTV-ga iyo ka qaybqaadashada diiwaangelinta ciidamada oo loo beddelayo hannaan dijitaal ah.

 

Wasiir Khadar ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku yihiin aasaaska nabadda iyo xasilloonida dalka, isaga oo yidhi: "Ciidanka Boolisku waa aasaaska nabadda iyo wanaagga aynu haysanno, iyaga ayaanu ku seexannaa, kuna soo toosnaa.”

 

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyey munaasibadda sannad-guuradii 33-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo ciidanka u diray hambalyo iyo bogaadin.

 

Waxa uu tilmaamay in horumarka ay ciidamada qaranku gaadheen aanu ka dhignayn in hawshii casriyeyntu dhammaatay, balse ay muhiim tahay in si joogto ah loo horumariyo awooddooda, gaar ahaan sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen isbeddellada ku yimaadda noocyada dembiyada iyo hababka loo fuliyo.

 

Khadar Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska uga mahadceliyey taageerada uu ka geystay diiwaangelinta ciidamada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan adeegsiga tiknoolajiyadda, isla markaana ilaaliyaan sharciga.

 

Hirgelinta nidaamka CCTV-ga iyo diiwaangelinta dijitaalka ah ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu horumarinayo hababka maamulka iyo hawlgalka Ciidanka Booliska Somaliland.

     
Loading...