hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa munaasibad ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Somaliland warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha Dawladda Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Mudane Michael Lotem.
Munaasibaddan ayaa astaan u ah xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweynaha Somaliland ayaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Michael Lotem, isaga oo ugu hambalyeeyey xilka diblomaasiyadeed ee loo igmaday. Waxa uu imaatinka danjiraha ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu sii xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Madaxweyne Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo. Waxa uu si gaar ah u xusay dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland xusay muhiimadda goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isaga oo tilmaamay inay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo ka qayb qaadashada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.
Madaxweynuhu waxa uu ugu dambayn xaqiijiyey in Somaliland ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan leh ee labada dal iyo labada shacab, kaas oo ku dhisan aragti fog, dano-wadaag iyo natiijooyin wax-ku-ool ah.
Dhankiisa, Danjiraha Israa’iil oo ka hadlay munaasibadda, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran, isaga oo sheegay inay sharaf weyn u tahay inuu Dawladda Israa’iil ku metelo Jamhuuriyadda Somaliland.
Danjire Michael Lotem ayaa xaqiijiyey inuu si weyn uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac, isaga oo sheegay in iskaashigaasi ku salaysnaan doono dano-wadaag iyo wada-shaqayn wax-ku-ool ah.
Waxa uu si gaar ah u xusay dhinacyada amniga iyo difaaca, ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tari karaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Danjiruhu waxa uu sidoo kale sheegay inuu ku dedaali doono sidii himilooyinka wadajirka ah ee labada dhinac loogu beddeli lahaa guulo la taaban karo oo labada shacabba anfaca.