Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Kormeer Shaqo ku Tagtay Fiqi-Ayuub

Saturday August 29, 2026 - 14:40:20
hadhwanaagnews
Kormeerka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mushaharka afar bilood

May be an image of one or more people, people studying and text


Togdheer (Hadhwanaagnews.com): Koox ka tirsan Agaasimayaasha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Fiqi-Ayuub ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka hawlgasho shirkadda Kunlun.

 

Kormeerka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mushaharka afar bilood ka maqnaa shaqaalaha shirkadda Kunlun, iyadoo ujeeddadu ahayd in xal laga gaadho cabashada shaqaalaha iyo dib-u-dhaca ku yimid mushaharkooda.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale goobta ku hubiyey qalabka shirkadda iyo kaydka dhagaxa macdanta ah ee yaalla goobta, si loo qiimeeyo xaaladdooda loona ilaaliyo hantida iyo khayraadka goobta.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee la xidhiidha dabagalka shaqada shirkadaha macdanta iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo hantida goobaha ay ka hawlgalaan.

     
Loading...