Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Xoojisay La-dagaallanka Nabaad-guurka Iyo Tahriibinta Duurjoogta

Monday October 12, 2026 - 13:40:56
hadhwanaagnews
Waxa uu intaa ku daray in gaadhi kasta oo lagu qabto dhuxul aan waafaqsanayn ....



Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Saaxil, Cabdirashiid Siciid Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaraddu dadaal xooggan ku bixisay la-dagaallanka nabaad-guurka, ilaalinta dhirta iyo ka-hortagga tahriibinta duurjoogta, isaga oo xusay in si gaar ah loo nidaamiyey soo saarista dhuxusha laga sameeyo geedka garanwaaga.

Cabdirashiid Siciid Maxamed ayaa sheegay in gaadiidka dhuxusha keena magaalada Berbera la baadho, si loo xaqiijiyo in dhuxusha ay sidaan laga soo saaray kaamka loogu talogalay deegaanka Biyoolay, isla markaana laga sameeyey geedka garanwaaga.

Waxa uu intaa ku daray in gaadhi kasta oo lagu qabto dhuxul aan waafaqsanayn nidaamkaas lagu ganaaxayo lacagta ganaaxa ah, taas oo la gelinayo khasnadda dawladda.

Isuduwuhu waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu, iyadoo kaashanaysa ciidamada Booliska ee qaabilsan ilaalinta deegaanka iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ay si dhow ula socoto dhowrista duurjoogta, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadayo cid kasta oo lagu qabto tahriibinta duurjoogta dalka.

Dhinaca kale, Cabdirashiid ayaa xusay in dhir laga qaybiyey degmooyinka Gobolka Saaxil, isaga oo bogaadiyey dadaalladii lagu bilicaynayey magaalada Berbera iyo beerista dhirta. Waxa uu si gaar ah u xusay wada-shaqayntii uu arrimahaas kala yeeshay maayarkii hore ee Berbera, Cabdishakuur Ciddin.

Ugu dambayn, Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Saaxil ayaa ammaanay bulshada reer miyiga ah, isaga oo ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaataan wacyigelinta iyo ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta. Waxa uu bulshada ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradda, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah loona yareeyo xaalufka deegaanka.

     
Loading...