Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Ku Boorriyey Dardargelinta Hawlaha Qaranka

Sunday October 11, 2026 - 15:49:01
hadhwanaagnews
Waxa uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyey inay muujiyaan



Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay ka mid tahay wasaaradaha qaranka u haya hawlo istaraatiiji ah, isla markaana door muhiim ah ku leh horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga shisheeye iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa xusay in tamarta iyo macdantu yihiin laba waaxood oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, taasina ay lagama maarmaan ka dhigayso in Wasaaraddu si hufan oo qorshaysan u gudato masuuliyadda ka saaran horumarinta labadaas waaxood.

Waxa uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyey inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, xilkasnimo iyo daacadnimo, isla markaana ay dardargeliyaan hawlaha shaqo ee loo igmaday.

"Waxa waajib idinku ah in aad si dhab ah uga soo baxdaan masuuliyadda la idiin igmaday, aad dardargelisaan hawlaha shaqo, isla markaana aad xoogga saartaan sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada tamarta iyo maaraynta khayraadka macdanta,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxa uu intaa ku daray in Dawladdu ay ka go’an tahay in hay’adaha qaranku si hufan u gutaan waajibaadkooda, isaga oo carrabka ku adkeeyey in masuul kasta iyo shaqaale kasta laga doonayo inuu dareemo masuuliyadda saaran, kana shaqeeyo horumarka dalka iyo tayaynta adeegyada qaranka.

     
Loading...