Isuduwuhu waxa uu bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan dhirta, duurjoogta
Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee gobolka Togdheer, Cabdilaahi Cali Diiriye, ayaa ka digay waxyeellada ay bulshadu u geysanayso deegaanka, isaga oo sheegay in waddooyinka aan qorshaysnayn, jarista dhirta, oodashada sharci-darrada ah iyo qashinka lagu daadiyo dhulka ay ka mid yihiin waxyaabaha sababa nabaad-guurka iyo burburka deegaanka.
Cabdilaahi Cali Diiriye oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta Dawan ayaa sheegay in gaadiidka mara dhulka miyigu ay samaystaan waddooyin badan oo aan qorshaysnayn, kuwaas oo biyaha roobka u sameeya marinnno iyo dooxooyin. Waxa uu xusay in arrintani keento in biyuhu si degdeg ah u qulqulaan, halkii ay dhulka ku hakan lahaayeen, taasina ay qayb ka qaadato nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka.
Isuduwuhu waxa uu bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan dhirta, duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ah, isaga oo tilmaamay in dhowrista deegaanku muhiim u tahay sugnaanta nolosha dadka iyo duunyada. Waxa uu intaa ku daray in qorshaha Wasaaradda ay qayb ka tahay wax ka qabashada waddooyinka aan qorshaysnayn ee biyaha roobka u sameeyey marinnada iyo dooxyada.
Waxa kale oo uu sheegay in bulshada gobolka Togdheer laga wacyigeliyey jarista dhirta iyo oodashada sharci-darrada ah, isaga oo caddeeyey in geedka Garanwaagu yahay geedka loo oggol yahay in dhuxusha laga shido.
Dhinaca kale, Cabdilaahi Cali Diiriye ayaa farriin u diray dadka safarrada ku mara gobollada dalka, isaga oo ku boorriyey inaan bacaha iyo caagadaha lagu daadin dhulka, maadaama qashinkaasi waxyeello u geysto deegaanka. Waxa uu ku adkeeyey bulshada inay qashinka geeyaan goobaha loogu talagalay, si looga hortago wasakhowga iyo sii xumaanshaha deegaanka.
Ugu dambayn, Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Togdheer ayaa bulshada ugu baaqay inay masuuliyad wadajir ah iska saaraan ilaalinta deegaanka, isaga oo xusay in qof kasta oo waxyeelleeya deegaanka uu sidoo kale waxyeello u geysanayo noloshiisa iyo tan jiilasha mustaqbalka.