Dhanka kale, waxa jira saluug ay qayb ka mid ah warbaahinta Somaliland..
Wax-ka-beddelka Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer Lr. 27/2004, ayaa maanta la horkeenay Golaha Wakiillada, waxaana nuqullada xeerka loo qaybiyey mudaneyaasha si ay u bartaan qodobadiisa.
Xildhibaan Aamina Fariid, oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada, ayaa mudaneyaasha uga warrantay xeerka, iyada oo faahfaahin ka bixisay wax-ka-beddelka la soo hordhigay Golaha.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka doodaan xeerkan, ka hor inta aan la qaadin tallaabooyinka xiga ee hannaanka sharci-dejinta.
Dhanka kale, waxa jira saluug ay qayb ka mid ah warbaahinta Somaliland ka muujisay xeerka qaabka hadda Golaha loo horkeenay, iyada oo doonaysa in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobbada ay tabashada ka qabto.
Doodda la filayo inay Golaha Wakiillada ka yeeshaan xeerkan ayaa noqon doonta fursad ay mudaneyaashu ku eegaan qodobbadiisa, xilli ay warbaahintu muujisay rabitaankeeda ku aaddan in wax laga beddelo qaabka xeerka loo diyaariyey.