hadhwanaagnews
Dhalinyaro tiro badan ayaa maanta gobollada Somaliland u fadhiistay imtixaan ay qaadayso Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, kaas oo qayb ka ah hannaanka lagu xulayo musharraxiinta u tartamaya jagooyinka shaqo ee ka bannaan hay’adaha dawladda.
Dhalinyaradan ayaa ah kuwii ku guulaystay qiimayntii hordhaca ahayd ee lagu kala xulay dadkii soo codsaday jagooyinka shaqo ee ka bannaan waaxyaha kala duwan ee dawladda. Imtixaanka ayaa lagu galayaa jaamacadaha dawladda ee ku yaalla gobollada dalka.
Boosaska shaqo ee imtixaanka loo galayo ayaa tiradoodu dhan tahay 768 jago, kuwaas oo ka tirsan darajooyinka A iyo B, kana bannaan wasaaradaha dalka.
Imtixaankan ayaa qayb ka ah hannaanka lagu xulayo dhallinyarada buuxisay shuruudihii hordhaca ahaa, si loogu tartansiiyo jagooyinka shaqo ee ka bannaan hay’adaha dawladda Somaliland.