Wasiirka Duulista Somaliland: Hawada Iyo Madaarrada Somaliland Dhawaan Ayaa La Filayaa Inay Helaan Xorriyad Buuxda

Sunday September 20, 2026 - 19:42:30
hadhwanaagnews
"Hawadeenna waxa gacanta ku haysay wakhtigii aan dalka la wareegnay Soomaaliya



Washington, D.C. – Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in markii xukuumadda hadda jirta ay xilka la wareegtay ay maamulka hawada Somaliland gacanta ku haysay Soomaaliya, isagoo caddeeyay in muddadii xukuumaddoodu jirtay aanu dhex marin Somaliland iyo Soomaaliya wax wadahadal ah oo ku saabsan arrinta hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in arrinta hawadu ay hadda marayso hannaan sharci, isla markaana ay gacanta ku hayaan hay’ado sharciyeed. Waxa uu shacabka ka codsaday inay war sugaan, isagoo sheegay in mustaqbalka dhow hawada iyo madaarrada Somaliland ay heli doonaan xorriyad buuxda.

"Hawadeenna waxa gacanta ku haysay wakhtigii aan dalka la wareegnay Soomaaliya. Waxaan caddeynayaa in aanay jirin hal wadahadal oo intii xukuumaddeennu jirtay ay dowladdeenna Somaliland iyo Soomaaliya wada galeen oo ku saabsan arrinta hawada iyo mid kale toona,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu intaas ku daray in geeddi-socodka arrinta hawadu uu hadda ku socdo nidaam sharci ah, isaga oo shacabka ugu baaqay inay sugaan wararka rasmiga ah, isla markaana sheegay in xorriyadda hawada iyo madaarrada Somaliland la filayo inay soo dhowaato.

Dhanka kale, Wasiir Fu’aad Axmed Nuux ayaa ka hadlay nidaamka E-Visa ee Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u safraya Somaliland, isagoo sheegay in aanay sax ahayn in qofka Somaliland u socda laga dalbado E-Visa.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay Somaliland la wadaagtay dowladda Maraykanka, isaga oo xusay in qofka u socda Somaliland uu fiisaha ka qaadan karo Madaarka Hargeysa.

"E-Visa laydin waydiiyaa sax maaha. Dowladda Maraykankana waa la wadaagnay in qofka Somaliland tagaya fiise laga rabin, oo qofku ka qaadanayo madaarka Hargeysa,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad Axmed Nuux.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka laga dalbado E-Visa marka ay Somaliland u safrayaan inay dacwad ka gudbiyaan, isaga oo sheegay in sida uu sheegay lacagta laga qaaday loo soo celin doono.

Hadalladan ayuu Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ka jeediyay isagoo la hadlayay jaaliyadda Somaliland ee ku nool Maraykanka.

     
Loading...