Madaxweyne Cirro Oo Jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Ameerika Uga Mahadceliyey Doorkooda Qaranka

Sunday September 20, 2026 - 19:49:59
hadhwanaagnews
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay qurba-joogga inay ka qayb qaataan dadaallada



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Ameerika uga mahadceliyey kaalinta ay kaga jiraan horumarinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo u doodista qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo guud ahaan qurba-joogga Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo isku-duubnida, isla markaana dalkooda meel kasta si sharaf iyo masuuliyad leh ugu matalaan.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay qurba-joogga inay ka qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Qaranka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin doorka iyo kaalinta qurba-jooggu ku leeyahay arrimaha dalka.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu yahay xaq taariikheed iyo sharci ah, isla markaana uu muujiyey kalsooni ku saabsan in qaddiyadda aqoonsigu ay mustaqbalka dhammaystirmi doonto.

"Aqoonsiga Somaliland waa xaq taariikheed iyo sharci ah oo hubaal dhammaystirmaya,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

     
Loading...