hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay ka qayb-galay munaasabadda qaran ee lagu xusay 66-guurada maalintii taariikhiga ahayd ee 26-ka Juun 1960, taas oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb-galay madaxda sare ee qaranka, xisbiyada siyaasadda, madax-dhaqameed, diblomaasiyiin ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Barnaamijyo Ka Tarjumayey Taariikhda Somaliland
Intii ay socotay munaasabaddu waxaa la soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray madadaalo, majaajillo iyo bandhigyo ka warramay halgankii dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland iyo taariikhdii la xidhiidhay midowgii 1960-kii.
Masuuliyiin kala duwan oo halkaas ka hadlay ayaa ku baaqay in la adkeeyo ilaalinta xorriyadda, qaranimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo Hambalyo U Diray Shacabka
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasabadda 26-ka Juun, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan nabadda, wadajirka iyo difaaca qaranimada.
Waxa uu sidoo kale si kooban uga warbixiyey safarkiisii rasmiga ahaa ee uu dhawaan ku tegay Israa’iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaas.
"Somaliland Waa Dal Xor ah oo Madax-bannaan”
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal xor ah oo madax-bannaan, isla markaana shacabka Somaliland ay si buuxda uga tashadeen aayahooda iyo mustaqbalkooda.
Calan-saarka Qaranka
Markii ay saacaddu ahayd 12:00 habeenimo, Madaxweyne Cirro ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda calan-saarka Qaranka, isaga oo salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland.
Munaasabadda ayaa ku soo gebogabowday jawi ay ka muuqatay qaranimo, farxad iyo waddaniyad, iyadoo shacabka iyo masuuliyiintuba si wadajir ah u xuseen 66-guurada 26-ka Juun.