hadhwanaagnews
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay
in xidhiidhka dhaqaale ee ugu weyn uu ka dhexeeyo Israa’iil iyo Turkiga,
inkasta oo uu xusay in Turkigu si weyn uga soo horjeedo xidhiidhka cusub ee
Somaliland la yeelatay Israa’iil.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in danaha dhaqaale iyo ganacsigu
ay mararka qaarkood ka duwan yihiin mowqifyada siyaasadeed ee dalalku qaataan.
Hadalka Wasiirka
"Xidhiidhka dhaqaale ee ugu weyn waxa uu ka dhexeeyaa
Israa’iil iyo Turkiga, haddana Turkigu aad ayuu uga soo horjeedaa xidhiidhka ay
Somaliland la yeelatay Israa’iil."
— Wasiirka Madaxtooyada JSL