hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Fahiima Quuje ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay inay dib ugu soo laabato Somaliland, iyadoo xambaarsan fariin nabadeed, isla markaana ka qaybqaadanaysa gogosha nabadda ee uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Fahiima ayaa sheegtay inaanay keligeed dalka ugu soo noqon, balse ay matalayso dad iyo deegaan ay sheegtay inay tabasho kaga maqnaayeen dalkooda, iyadoo tilmaantay in soo laabashadeedu muujinayso in xabbaddu aanay xal u ahayn khilaafaadka bulshada.
Waxay tidhi:
"Farxad gaar ah ayay ii tahay inaan dalkayga iyo dadkayga kusoo laabto anigoo wada calanka nabadda, kuna imid gogoshii nabadda ee Madaxweynuhu dhigay. Anoo kaligay ah ma iman, ee waxaan wadaa fariin dad iyo deegaan dalkooda tabasho kaga maqnaa.”
Fahiima ayaa sidoo kale sheegtay inay doonayso inay ka shaqayso nabadda iyo wadajirka bulshada, iyadoo rajaynaysa in fariinta nabadeed ay gaadhsiiso bulshada ku nool Gobolka Sool.
Waxay sheegtay inay dadka reer Sool u gudbin doonto fariin mahadnaq ah oo la xidhiidha nabadda iyo xabbad-joojinta, iyadoo ku boorrisay inay taageeraan dadaallada nabadeed.
Waxayna tidhi:
"Annagoo calanka nabadda sidna, oo aan kugu hor kacayo, ayaan Gobalkii Sool u tagi doonaa. Dadka reer Sool fariinta aan kaaga sidaana waxay tahay inay kaaga mahadcelinayaan inay nasteen oo ay xabbaddii ka nasteen.”
Fahiima Quuje ayaa ku celisay in xabbaddu aanay xal u ahayn khilaafaadka, iyadoo sheegtay in bulshada Sool ay sugayaan gogosha nabadda ee uu Madaxweyne Cirro dhigay.