hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta shahaado sharaf guddoonsiisay Hay’adda Plan International, taas oo lagu maamuusay wada-shaqaynta wanaagsan iyo taageerada joogtada ah ee ay hay’addu siiso Wasaaradda.
Munaasabadda ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta bulshada, barashada Dastuurka iyo kobcinta waddaniyadda.
Wasiirka Wasaaradda, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Plan International ay door muhiim ah ka qaadatay hawlo iyo barnaamijyo badan oo ay Wasaaraddu hirgelisay, isaga oo uga mahadceliyey hay’adda dadaalka iyo wada-shaqaynta wanaagsan.
Dhankiisa, Maamulaha Mashaariicda Hay’adda Plan International, Mustafe, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda aqoonsiga iyo shahaadada sharafta ah ee la guddoonsiiyey, isaga oo sheegay in hay’addu ku faraxsan tahay wada-shaqaynta labada dhinac.
Mustafe ayaa sidoo kale caddeeyey in Plan International ay diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga iyo wada-shaqaynta mustaqbalka, si loo taageero barnaamijyada la xidhiidha bulshada, Dastuurka iyo horumarinta waddaniyadda.