hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, Mudane Aadan Cabdillaahi, ayaa sheegay in tiknoolajiyaddu maanta tahay waddada Somaliland ku gaadhi karto horumar, hal-abuur iyo fursado kala duwan.
Agaasimaha Guud ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Carwada iyo Shirweynaha 8-aad ee Tiknoolajiyadda 2026, oo maanta ka furmay caasimadda Hargeysa.
Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay horumarka dalka, isaga oo xusay inay door weyn ka qaadan karto kobcinta hal-abuurka iyo abuurista fursado cusub oo dhinacyo kala duwan leh.