Qalabkan ayaa la gaadhsiiyey dhammaan gobollada dalka, si loo xoojiyo
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa Ururka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka iyo Umulisooyinka kala wareegay qalab loogu talagalay kaydinta tallaallada, dawooyinka iyo agabka kale ee caafimaadka, kaas oo ku shaqeeya tamarta cadceedda.
Qalabkan ayaa la gaadhsiiyey dhammaan gobollada dalka, si loo xoojiyo awoodda xarumaha caafimaadka ee kaydinta tallaallada iyo dawooyinka u baahan in lagu hayo heerkul gaar ah, loona hubiyo ilaalinta tayadooda.
Qalabkan ku shaqeeya tamarta cadceedda ayaa door muhiim ah ka qaadanaya joogtaynta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan xarumaha ay caqabadaha korontadu saamayn karaan.
Waxa kale oo uu xoojinayaa kaydinta habboon ee tallaallada, dawooyinka iyo agabka kale ee caafimaadka, taas oo muhiim u ah ilaalinta tayada adeegyada caafimaadka iyo badbaadada bulshada.