Wasiirka Biyaha oo Hadhwayn u ballanqaaday in ceel-biyood laga qodi doono

Saturday August 22, 2026 - 14:32:55
hadhwanaagnews
Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa bulshada Hadhwayn u ballanqaaday



Togdheer (Hadhwanaagnews.com): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Ramaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo wefti ballaadhan oo socdaal shaqo ku maraya Gobolka Togdheer, ayaa gaadhay deegaanka Hadhwayn.

 

Wasiirka ayaa kulan la qaatay bulshada deegaanka, isaga oo ka dhegaystay baahiyaha iyo duruufaha dhinaca biyaha ee ay wajahaan dadka ku nool deegaanka.

 

Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa bulshada Hadhwayn u ballanqaaday in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgeli doonto qodista ceel-biyood, si wax looga qabto biyo-la’aanta ka jirta deegaanka loona xaqiijiyo helitaanka biyo ku filan oo waara.

 

Socdaalka Wasiirka iyo weftigiisa ayaa qayb ka ah kormeer shaqo oo ay ku marayaan deegaannada kala duwan ee Gobolka Togdheer, kaas oo diiradda lagu saarayo qiimaynta xaaladda biyaha iyo wax ka qabashada baahiyaha biyo-doonka ah ee bulshada.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay inay dardargelinayso mashaariicda biyaha si adeegyada aasaasiga ah loo gaadhsiiyo deegaannada ay ka jirto baahida weyn ee biyuhu.

     
Loading...