Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Kabadheere Ka Dhagax-dhigay Laba Ceel-biyood Oo Loogu Talo-galay Oodweyne

Sunday September 13, 2026 - 18:03:37
hadhwanaagnews
Mashruucan ayaa ku salaysan daraasad cilmiyeed iyo qorshe farsamo,




Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa deegaanka Kabadheere ka dhagax-dhigay laba ceel-biyood oo cusub oo loogu talagalay magaalada Oodweyne iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo qayb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo adeegga biyaha ee magaalada.

 

Mashruucan ayaa ku salaysan daraasad cilmiyeed iyo qorshe farsamo, waxaana ujeeddadiisu tahay in bulshada ku nool Oodweyne iyo deegaanada ku xeeran loo kordhiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan baahiyahooda.

 

Dhagax-dhigga labada ceel-biyood ayaa sidoo kale ka tarjumaya qorshayaasha lagu horumarinayo kaabayaasha biyaha iyo sidii loo yarayn lahaa caqabadaha la xidhiidha helitaanka biyaha ee bulshada deegaanka.

 

Munaasibadda dhagax-dhigga ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka iyo degmada, iyo madaxda Wakaaladda Biyaha Burco.

     
Loading...