Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Oo Soo Xidhay Tababar Afar Maalmood U Socday Shaqaalaha Wasaaradda

Wednesday September 09, 2026 - 11:58:14
hadhwanaagnews
Tababarka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray maaraynta khayraadka ....



Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa si rasmi ah u soo xidhay tababar muddo afar cisho ah u socday qaar ka mid ah shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

 

Tababarkan oo lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda, iyadoo kaashanaysa Mashruuca Sugnaanta Cuntada (FSRP) oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunku, halka tababarka ay bixisay Shirkadda SIRAJ.

 

Tababarka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo seereyaasha, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda ee la xidhiidha ilaalinta, maaraynta iyo ka-faa’iidaysiga waara ee khayraadka dabiiciga ah.

 

Intii uu socday tababarku, shaqaalaha ka qaybgalay ayaa helay aqoon iyo xirfado la xidhiidha hababka casriga ah ee maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta seereyaasha, si kor loogu qaado awoodda Wasaaradda ee gudashada waajibaadkeeda.

 

Munaasabadda xidhitaanka tababarka ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyey shahaadooyin shaqaalihii ka qaybgalay, kuwaas oo muujinaya dhamaystirka tababarka iyo ka qaybqaadashadooda.

     
Loading...