Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo Shir Ka Yeeshay Amniga, Roobabka Deyrta iyo Khataraha Isbeddelka Cimilada

Saturday October 17, 2026 - 15:26:26
hadhwanaagnews
U Diyaargarowga Abaaraha, Daadadka iyo Fatahaadaha...



Hargeysa – Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa shir-guddoomiyey kulanka bilaha ah ee madaxda siddeedda degmo ee gobolka, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga, saadaasha roobabka deyrta iyo khataraha ka dhalan kara isbeddelka cimilada.

 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey xaaladda guud ee gobolka iyo muhiimadda ay leedahay in maamulka degmooyinku si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha amniga iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee la xidhiidha cimilada.

 

U Diyaargarowga Abaaraha, Daadadka iyo Fatahaadaha

 

Madaxda kulanka ka qaybgalay ayaa sidoo kale diiradda saaray xoojinta u diyaargarowga abaaraha, daadadka iyo fatahaadaha, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo isbeddellada cimilada.

 

Arrimahan ayaa muhiim u ah qorshaynta hawlaha maamulka, gaar ahaan diyaarinta tallaabooyinka lagaga hortagayo waxyeellada ka dhalan karta xaaladaha degdegga ah, iyo ilaalinta bulshada iyo hantideeda.

 

Isku-duwidda Maamulka iyo Isla Xisaabtanka

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hawlaha maamulka gobolka iyo degmooyinka, korna loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka masuuliyiinta.

 

Ujeeddadu waa in la hagaajiyo wada-shaqaynta hay’adaha maamulka, la dardargeliyo hawlaha shaqo ee loo igmaday degmooyinka, isla markaana la horumariyo adeegyada bulshada.

 

Kulankan bilaha ah ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Maroodi-jeex ugu jiro isku xidhka madaxda degmooyinka, qiimaynta xaaladaha gobolka iyo xoojinta u diyaargarowga khataraha amni iyo cimilo ee saamayn kara bulshada.

     
Loading...