Hal Qof Oo Dhintay, 102 Kalena Laga Soo Badbaadiyey Doon Rakaab Oo Ku Xannibantay Badda Java DAAWO

Sunday September 13, 2026 - 18:21:06
hadhwanaagnews
Maraakiibta iyo diyaaradaha gurmadka ayaa loo diray goobta si loo baadi-goobo



Hal qof ayaa ku geeriyooday, halka 102 qof oo kalena laga soo badbaadiyey doon rakaab oo laga leeyahay Indonesia, taas oo ku xannibantay Badda Java xilli ay wajahaysay cimilo xun.

 

Hay’adda Baadi-goobka iyo Samatabixinta Indonesia ayaa sheegtay in hawlgalka samatabixintu uu billowday kadib markii xiriirka laga waayey doonta Virgo Transport 8, oo ay saarnaayeen 243 qof.

 

Maraakiibta iyo diyaaradaha gurmadka ayaa loo diray goobta si loo baadi-goobo dadka rakaabka ah ee weli la la’yahay, iyadoo hawlgalku uu weli socdo. Sidoo kale, dhammaan maraakiibta kale ee ku sugan aagga Badda Java ayaa lagu wargeliyey inay soo sheegaan haddii ay arkaan wax calaamado ah oo la xidhiidha rakaabka la la’yahay.

 

Doontu waxay ka soo ambabaxday magaalada Surabaya, iyadoo ku sii jeedday Banjarmasin oo ku taalla koonfurta Kalimantan. Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay doonta ayaa sheegay inay xilligaasi qiyaastii 150 kiiloomitir koonfur ka xigaysay Banjarmasin, abbaaraha 02:00 habeenimo ee Axaddii, xilliga maxalliga ah.

 

Hawlgalka samatabixinta ayaa waxaa ka qaybqaadanaya maraakiib baadi-goob iyo samatabixin ah iyo diyaarad helicopter ah, iyadoo ciidamada gurmadku ay dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa dadka weli la la’yahay.

 

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii doon kale oo laga leeyahay Indonesia uu dab qabsaday meel ka baxsan jasiiradda Madura bishii hore, taas oo ay ku dhinteen shan qof.

     
Loading...