Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaciyey Qorshe Dib Loogu Hawlgelinayo Tiyaatarka Qaranka

Wednesday September 09, 2026 - 11:53:59
hadhwanaagnews
Waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu samaysay fagaare weyn...



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in Wasaaraddu waddo qorshe dib loogu hawlgelinayo Tiyaatarka Qaranka, kaas oo uu sheegay inuu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta iyo horumarinta Afka Hooyo, dhaqanka iyo suugaanta bulshada.

 

Wasiir Barkhad ayaa tilmaamay in Tiyaatarka Qaranku yahay goob muhiim u ah kobcinta dhaqanka iyo suugaanta, isla markaana dib-u-hawlgelintiisu qayb ka noqon doonto dadaallada lagu ilaalinayo hidaha iyo afka hooyo.

 

"Tiyaatarkii weynaa ee Qaranka oo hawshiisii aanu wadno ayaa qayb ka noqon doona ilaalinta dhaqankeena iyo ilaalinta Afkeena Hooyo,” ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.

 

Waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu samaysay fagaare weyn oo habeenkii lagu qaban doono barnaamijyo iyo doodo kala duwan, iyadoo si joogto ah loogu falanqayn doono mawduucyo la xidhiidha Afka Hooyo, dhaqanka iyo suugaanta.

 

"Halkan fagaare weyn baanu ka samaynaynaa, habeenkiina waxa uu noqon doonaa goob hadba mowduuc lagu falanqeeyo,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Qorshahan ayaa, sida uu Wasiir Barkhad sheegay, qayb ka noqonaya dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ku doonayso in lagu xoojiyo doorka dhaqanka, suugaanta iyo Afka Hooyo ee bulshada.

     
Loading...