Wasaaradda Maaliyadda oo kulan ka yeelatay mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland

Sunday August 23, 2026 - 15:05:15
hadhwanaagnews
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan



Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan saddex-biloodle ah oo ay isugu yimaaddeen Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee fuliya mashaariicda horumarineed ee uu Baanka Adduunku (World Bank) ka taageero Somaliland.

 

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan Portfolio Center of Excellence (PCE), ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashaariicda, qiimaynta waxqabadka, xal-u-helidda caqabadaha jira iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha Dawladda.

 

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo qiimeeyey heerka ay marayaan mashaariicdu, natiijooyinka laga gaadhay iyo saamaynta ay ku leeyihiin bulshada. Waxa kale oo la falanqeeyey caqabadaha la xidhiidha fulinta, maamulka, isku-duwidda iyo gaadhsiinta natiijooyinka la qorsheeyey.

 

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay korodhka ku yimid isticmaalka miisaaniyadda mashaariicda iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo hawlaha mustaqbalka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mashaariicdu si buuxda ugu socdaan ujeeddooyinkii iyo qorshayaashii loo dejiyey, isla markaana khayraadka iyo taageerada horumarineed ee Somaliland soo gaadha loo isticmaalo si hufan, daah-furan oo wax-ku-ool ah.

 

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay inay si dhow ula shaqayso Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda, Xafiisyada Isku-duwidda Mashaariicda iyo Baanka Adduunka, si xal loogu helo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo in mashaariicdu ku socdaan qorshayaashii loo dejiyey.

 

Dhankiisa, Madaxa Portfolio Center of Excellence (PCE), Maxamed Cabdi, ayaa kulanka ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha xafiiska, isaga oo faahfaahiyey horumarka laga sameeyey isku-duwidda, dabagalka iyo horumarinta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland.

 

Waxa uu sidoo kale xusay dadaallada joogtada ah ee PCE iyo Baanka Adduunku ku xoojinayaan wada-shaqaynta iyo wada-xaajoodka, si Somaliland u hesho taageerada iyo maalgelinta horumarineed ee loogu talogalay, loona hubiyo in khayraadkaasi si toos ah ugu jihaysmo mashaariicda iyo mudnaanta horumarineed ee dalka.

 

Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Mashaariicda ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno ku saabsan heerka ay marayaan mashaariicdu, waxqabadka la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo hawlaha.

 

Ka-qaybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda kulamada noocan ahi u leeyihiin is-dhaafsiga xogta, isla-xisaabtanka, isku-duwidda hawlaha iyo xal-u-helidda caqabadaha.

 

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu heshiiyey in la sii xoojiyo dabagalka iyo wada-shaqaynta dhammaan dhinacyada ku hawlan mashaariicda, si taageerada horumarineed loogu beddelo natiijooyin muuqda oo ka qayb qaata horumarka iyo koboca Somaliland.

     
Loading...