DEG DEG: Agaasimaha Guud Ee Caafimaadka Somaliland Oo Booqday Safaaradda Kenya

Wednesday April 29, 2026 - 02:57:45
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Safiirka Somaliland

May be an image of one or more people and text


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh horumarinta caafimaadka, xoojinta iskaashiga, iyo dardargelinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Safaaradda, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka caalamiga ah iyo taageerada barnaamijyada caafimaadka.


 

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Safiirka Somaliland ee Kenya, Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Ku-xigeenkiisa Sharmaarke Geelle, sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku ammaanay doorka Safaaraddu ku leedahay kobcinta iskaashiga iyo matalaadda qaranka.


 

Ugu dambayn, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka ay la leedahay safaaradaha Somaliland ee dibadda, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka loona gaadho yoolalka horumarineed ee qaranka.

     
Loading...