hadhwanaagnews
Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in aanay jirin cid ay dowladdu u daba fadhiisanayso marka ay timaaddo sugidda amniga gobolka, isagoo caddeeyay in amniga uu yahay waajib si toos ah u saaran xukuumadda.
Guddoomiyuhu waxa uu hadalkan ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta caafimaadka ee magaalada Cabdi-geedi, halkaas oo uu kula kulmay bulshada deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Prof. Cadaad, iyo qaar ka mid ah laamaha ammaanka.
Waxa uu xusay in xarunta caafimaadka ee Cabdi-geedi, oo ay saameeyeen colaadihii dhawaan ka dhacay gobollada Awdal iyo Selel, dib loo furay, isla markaana adeegyada bulshada si buuxda loogu gaadhsiin karo marka amniga la sugo.
Guddoomiye Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabaddu, isagoo yidhi: "Amnigu waa aas-aas, waxa qof walba u ku noolaan karo waa nabad, haddii aanay jirin ma noolaan karo. Waa in nabad lagu wada noolaado, amniga wixii khalkhal gelinaya dawladdu ayaa ka masuul ah, hadda wixii ka dambeeya cid amniga laga baryayaa ma jirtee taa hala ogaado.”