Guddoomiyaha ayaa xusay in guulaha qaranka aan lagu koobi karin
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in guul kasta oo qaranka Somaliland u soo hoyataa ay tahay guul ay wada leeyihiin dhammaan shacabka, isaga oo bogaadiyey dedaallada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xukuumaddiisu ugu jiraan horumarinta danaha qaranka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in guulaha qaranka aan lagu koobi karin cidda keentay ama aragtida siyaasadeed ee ay ku kala duwan yihiin madaxda iyo qaybaha bulshada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in marka ay Somaliland gaadho horumar iyo guulo wax ku ool ah, ay muhiim tahay in la wada aqoonsado, lana bogaadiyo dedaallada lagu gaadhay.
Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro iyo kooxdiisu ay mudan yihiin in lagu bogaadiyo waxqabadka iyo guulaha ay qaranka u soo hooyeen, isaga oo ku baaqay in arrimaha qaranka lagu eego aragti ka ballaadhan loollanka siyaasadeed.
Safarkii Maraykanka iyo Saamayntiisa Diblomaasiyadeed
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa si gaar ah u soo qaatay safarkii Madaxweyne Cirro ku tegay dalka Maraykanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda kulamadii uu Madaxweynuhu la yeeshay xarumo waaweyn oo saamayn ku leh dejinta iyo jihaynta siyaasadaha caalamka.
Waxa uu sheegay in xarumahaasi aanay saamayntoodu ku koobnayn gudaha Maraykanka oo keliya, balse ay qayb ka yihiin goobaha saamaynta ku leh go’aannada iyo siyaasadaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan arrimaha la xidhiidha qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Aadan Xaaji Cali ayaa xusay in safarka Madaxweynaha laga yaabo in dadka qaarkood ay ku eegaan aragti siyaasadeed iyo loollan dhinac ah, hase yeeshee uu muhiim yahay in la qiimeeyo marka laga eego danaha qaranka iyo saamaynta diblomaasiyadeed ee uu yeelan karo.
"Waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay ku eegaan aragti siyaasadeed iyo loollan dhinac ah, marka si qoto dheer loo eego danaha qaranka iyo saamaynta diblomaasiyadeed waa tallaabo muhiim u ah Somaliland, taas oo u horseedi karta guulo waaweyn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in guulaha qaranka laga hormariyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, isla markaana la taageero dedaallada la xidhiidha danaha guud ee Somaliland.