Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Buqdhada Iyo Deegaannada Waqooyiga Gobolka

Monday October 12, 2026 - 14:19:58
hadhwanaagnews
Guddoomiyaha waxa safarka ku wehelinayey Maayarka Gabiley, Mursal Maxamed Jaamac

May be an image of one or more people and text


Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa gaadhay degmada Buqdhada iyo deegaannada waqooyiga gobolka, isaga oo kormeer ku samaynaya baahiyaha bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaannadaasi.

Guddoomiyaha waxa safarka ku wehelinayey Maayarka Gabiley, Mursal Maxamed Jaamac, Xoghayaha Fulinta Gobolka, Cabdishakuur Maxamed Xasan Gande, Taliyaha Booliska Gobolka iyo masuuliyiin kale.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladaha nololeed ee bulshada iyo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee deegaanka Hadhley, si loo ogaado baahiyaha jira.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu qiimaynayo xaaladaha deegaannada gobolka, laguna dardargelinayo adeegyada dawladda iyo hawlaha horumarineed ee loogu talagalay bulshada ku dhaqan degmada Buqdhada iyo deegaannada ku xeeran.

May be an image of one or more people
May be an image of one or more people and tree
May be an image of text
May be an image of text




     
Loading...