DEG DEG: Xukuumadda Somaliland Iyo Ganacsatada Oo Ka Wada Hadlay Hoos U Dhigista Qiimaha Shidaalka

Wednesday April 29, 2026 - 02:48:37
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay

May be an image of one or more people, table and text


Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo ganacsatada soo dejisa shidaalka ayaa kulan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa hoos u dhigista qiimaha shidaalka.


 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in qiimo-dhimista shidaalku taageerto adeegyada korontada, biyaha, warshadaha iyo guud ahaan adeegyada bulshada, si loo yareeyo culayska ku jira kharashaadka nolosha.


 

Gabagabadii, waxaa la isku afgartay in la dhiso guddi farsamo oo si gaar ah uga shaqeeya helitaanka shidaal jaban oo joogto ah, si loo xoojiyo wax-soo-saarka korontada loona horumariyo tayada adeegyada tamarta dalka.

     
Loading...