Wasaaradda Warfaafinta iyo Xeer-ilaalinta Somaliland oo kala caddeeyey ruqsad-bixinta iyo diiwaangelinta saxaafadda

Wednesday August 12, 2026 - 17:45:26
hadhwanaagnews
Waxa uu sheegay in ruqsad-bixinta warbaahinta ay masuuliyaddeedu



Hargeysa – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa kala caddeeyey awoodaha sharci ee la xidhiidha ruqsad-bixinta iyo diiwaangelinta warbaahinta, kadib hadallo laga bixiyey habka ay u socdaan hawlahaasi.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Wasaaraddu isku qaadatay awoodda ruqsad-bixinta iyo diiwaangelinta saxaafadda.

 

Waxa uu sheegay in ruqsad-bixinta warbaahinta ay masuuliyaddeedu tahay Wasaaradda Warfaafinta, halka diiwaangelinta saxaafaddana ay leedahay Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, isaga oo yidhi:

 

"Bixinta ruqsadda waxa leh Wasaaradda Warfaafinta, bixinta diiwaangelintana waxa leh Xafiiska Xeer-ilaalinta.”

 

Agaasime Cabdisalaan Ilkacase ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu dhawaan bilowday nidaam casri ah oo lagu cusboonaysiinayo ruqsadihii ay hore u haysteen hay’adaha warbaahintu, iyadoo warbaahinta aan hore u haysan ruqsaddana loo oggolaanayo inay hesho ruqsad.

 

Waxa uu tilmaamay in nidaamka cusub uu yahay mid ay dowladdu dhaqaale ku bixisay, isla markaana Wasaaraddu ku ekaatay ruqsad-bixinta, iyadoo aanay isku darsan diiwaangelinta saxaafadda.

 

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in awoodda Wasaaradda ee bixinta ruqsadaha warbaahinta ay ku salaysan tahay Xeer Lr. 71/2025, Qodobka 42-aad, halka diiwaangelinta saxaafaddana uu sheegay inay leedahay Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka sida uu dhigayo Xeer Lr. 27/2004.

 

Arrintan ayaa timid xilli labada hay’adood ay dhawaan si wadajir ah u caddeeyeen inaanu jirin khilaaf shaqo oo u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha diiwaangelinta saxaafadda.


     
Loading...