Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in 70% la xaliyey dhibaatadii korontada Berbera

Thursday August 13, 2026 - 16:21:57
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sheegay in khubaro iyo injineerro koronto ay qiimayn ...



Berbera – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa bulshada Berbera iyo guud ahaan Somaliland u sheegay in 70% la xaliyey dhibaatadii koronto la’aanta ee magaalada Berbera, halka inta hadhayna la filayo in dhawaan xal laga gaadho.


 

Wasiirka ayaa sheegay in khubaro iyo injineerro koronto ay qiimayn dhammaystiran ku sameeyeen xaaladda korontada Berbera, iyaga oo soo bandhigay xalal degdeg ah iyo qorshayaal lagu xaqiijinayo adeeg koronto oo ku filan oo waara.


 

Waxa uu xusay in Berbera loo qorsheeyey mashaariic koronto oo qiimahoodu ka badan yahay $40 milyan, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashaariic ay maalgelinayaan Bangiga Adduunka iyo Imaaraadka Carabta.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in mashaariicdaasi ay socdaan, inkasta oo dib-u-dhacyo ay sababeen caqabado la xidhiidha keenista agabka iyo xaaladaha caalamiga ah.


 

Eng. Axmed Jaamac Barre ayaa sidoo kale sheegay in guddi joogto ah loo sameeyey sidii loo xallin lahaa caqabadaha korontada ee Berbera, isagoo bulshada u ballanqaaday in magaalada mustaqbalka yeelan doonto adeeg koronto oo tayo iyo awoodba leh.


 

Waxaanu yidhi:

 

"70% ayaa la xaliyey dhibaatadii korontada Berbera, inta hadhayna dhawaan ayaa xal laga gaadhi doonaa. In ka badan $40 milyan ayaa loo qoondeeyey mashaariicda korontada, Berberana waxay ka duwanaan doontaa magaalooyinka kale ee Somaliland, xaaladda Berbera si gaar ah ayey dawladdu ugu mudan tahay.”


 

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in Xukuumaddu si dhow ula socoto xaaladda korontada Berbera, isla markaana ay socdaan dadaallada lagu xaqiijinayo xal waara iyo adeeg koronto oo la isku halayn karo.

     
Loading...