Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo SLFMIS Ka Daah-furtay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Friday October 02, 2026 - 20:26:30
Wasaaradda ayaa sheegtay inay qorshaynayso in nidaamka SLFMIS loo fidiyo ....



Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ka daah-furtay hirgelinta Nidaamka Is-wada ee Maamulka Xogta Maaliyadda Somaliland (SLFMIS), taas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu casriyeynayo maamulka maaliyadda hay’adaha dawladda.

 

Hirgelinta nidaamkan ayaa lagu sheegay inuu ujeedkiisu yahay in la helo hannaan maaliyadeed oo casri ah, hufan, isla-xisaabtan leh, isla markaana ku shaqeeya xog sax ah iyo habraacyo nidaamsan. Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa nidaamka cusub u adeegsan doona maaraynta miisaaniyadda, dakhliga, kharashaadka, lacag-bixinta, iibka iyo qandaraasyada, mushaharka shaqaalaha, hantida iyo kaydka, iyo sidoo kale diyaarinta warbixinno maaliyadeed.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay inay qorshaynayso in nidaamka SLFMIS loo fidiyo dhammaan cisbitaallada dawladda ee ku kala yaalla lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu gaadhsiinayo nidaamka maamulka maaliyadda hay’adaha dawladda.

 

Hirgelinta mashruucan ayaa lagu sheegay inay ka horreeyeen hawlo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta habraacyada shaqada (Business Process Re-engineering – BPR), diyaarinta iyo habaynta xogta maaliyadeed, tababarka shaqaalaha iyo waafajinta nidaamka shuruudaha Maamulka Maaliyadda Dawladda (PFM).

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlaha diyaarinta iyo hirgelinta nidaamka ay socdeen muddo 25 maalmood ah, iyadoo la isku daray adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah, tayaynta shaqaalaha iyo dib-u-habaynta habraacyada shaqo.

 

SLFMIS ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay nidaamyada lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maaraynta xogta maaliyadeed ee hay’adaha dawladda, iyadoo sidoo kale la filayo inuu fududeeyo go’aan-qaadashada iyo diyaarinta xog maaliyadeed oo waqtigeeda ku timaadda.

     
Loading...