Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Korodhka Qiimaha Badeecadaha

Wednesday September 30, 2026 - 18:06:16
hadhwanaagnews
Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha ayaa sheegay in xaaladahaasi aanay fasax



Hargeysa — Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa digniin adag u dirtay ganacsatada iyo ururrada ganacsi ee dalka, iyadoo sheegtay inaanay sharci ahaan awood u lahayn inay si wadajir ah oo iskood ah u go’aamiyaan ama u kordhiyaan qiimaha badeecadaha iyo adeegyada suuqa.

 

Agaasimaha Waaxda La-dagaallanka Ganacsiga Sharci-darrada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Dhuux Cabdillaahi Cabdi, oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Wasaaraddu la socoto saamaynta ay xaaladaha caalamiga ahi, gaar ahaan xiisadaha Bariga Dhexe, ku yeesheen isu-socodka badeecadaha iyo qiimaha gaadiidka badda.

 

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha ayaa sheegay in xaaladahaasi aanay fasax u noqon karin ururrada ganacsatada inay iskood u dejiyaan ama u kordhiyaan qiimaha badeecadaha iyo adeegyada.

 

Dhuux Cabdillaahi Cabdi ayaa sheegay in ay jiraan ururro ganacsi oo hore u soo saaray go’aanno la xidhiidha kordhinta qiimaha, isaga oo tusaale u soo qaatay Ururka Warshadlayda Roodhida iyo ururrada kaalmaha shidaalka.

 

"Cidda awoodda u leh maamulidda suuqa, la socodka qiimayaasha badeecadaha iyo ilaalinta hadba wixii bulshada dani ugu jirto waa Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL. Ururrada kala duwan ee ganacsatadu ma laha awood ay si wadajir ah mar keliya qiime ugu jaraan,” ayuu yidhi Agaasimaha.

 

Waxa uu ganacsatada iyo ururradooda ugu baaqay inay ka waantoobaan tallaabo kasta oo lagu isku waafajinayo ama lagu kordhinayo qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, isaga oo xusay in cid kasta oo ku kacda arrintaasi lala tiigsan doono sharciga.

 

"Waxaan digniin u diraynaa dhammaan ganacsatada iyo ururradoodaba inay ka waantoobaan arrintan oo aanay mar dambe dhicin. Haddii ay dhacdana, sharciga ayaa la horkeeni doonaa,” ayuu yidhi Dhuux Cabdillaahi Cabdi.

     
Loading...